Laba dal oo Muslim ah oo dagaal qarka u saaran & dal kale oo sabab u ah khilaafkooda (Daawo dhoollatus dhacay)

0

(Tehraan) 02 Okt 2021 – Ciidamada Xoogga Iiraan ayaa falax gooddin ciidan ka wada xadka ay la leeyihiin dalka deriska ah ee Azerbaijan, iyagoo halkaa ka samaynaya dhoollatus ciidan xilli ay labada dal xiisadi ka dhex oogan tahay.

Xiisadda ayaa ku salaysan xiriir uu dalka Azerbaijan oo ah midka 2-aad ee ugu Shiico badan dunida Muslimka kaddib Iiraan, uu la leeyahay Israel.

Hilinka ay dowladda Iiraan maamusho ayaa Jimcihii oo idil baahinayey ciidamada dalkaasi oo wata taangiyo, dayuuradaha qumaatiga u kaca, madaafiicda goobta iyo agab kale oo loo daadguraynayo jihada woqooyi bari Iiraan.

Iiraan ayaa sidoo kale dhoollatuskan ku tijaabinaysa daroon cusub oo ay samaysay oo gaaraya masaafooyinka dhexe iyo kuwa dheer, wuxuuna dhoollatuskani imanayaa in yar kaddib markii todobaad kahor ay Azerbaijan, Turkey iyo Pakistan ay dhoollatus wada sameeyeen caasimadda Azerbaijan ee Baku.

Iiraan ayaa marar badan gunuunuc ka muujisay xiriirka ay Azerbaijan la leedahay Isreal, taasoo dalkaa ka caawisay dagaal qaatay 44-maalmood oo ay kaga guulaysteen Armenia sanadkii tegey, sida uu Khamiistii ka dhawaajiyey Wasiir Dibadeedka Iiraan, Hossein Amirabdollahian, oo ku nuuxnuuxsaday in aanay aqbali doonin “joogitaanka iyo howlaha Sahyuuniyadda ee halista amaan ku haya” qarankooda, sida uu yiri.

Azerbaijan waa dal ay dadka ku nooli ee Azeri-gu ay qoowmiyad ahaan Turkic yihiin, waxaana weliba gobollo ka haysata Iiraan, qaab la mid ah gobollada Soomaalida ee haatan ka tirsan Kenya iyo Itoobiya.

Hadalsame Media