“Itoobiya waxaa ku dhufatay abaar aan ku mitaali kari middii Somalia ka dhacday 2011-kii!” – Madaxa QM

0

(New York) 01 Okt 2021 – Martin Griffiths oo ah ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Howlaha aadminnimada iyo Xiriirinta Gargaarka ayaa sheegay in macluul hadda kahor Somalia ka dhacday ay ka jirto Itoobiya.

Griffiths ayaa Reuters u sheegay in loo baahan yahay in Gobolka Tigraay la gaarsiiyo 100 gaari oo gargaar sida maalintii, balse haatan ay kaliya halkaa tageen 10% 3dii bilood ee tegey “go’doomin” jirta darteed.

Gobolkan ayuu dagaal ka bilowday 10 bilood kahor kaddib markii ay jabhadda TPLF ay weerartay Saldhigga Woqooyi ee millateriga Itoobiya, waxaana ka dhashay burbur, dhimasho iyo barakac.

QM ayaa sheegaysa in Tigraay ay iminka ku macluulsan yihiin 5.2 milyan oo qof oo ka dhigan 90% dadka halkaa ku dhaqan.

Waxaa ka mid ah 70% haween gaaraya 11,000 oo uur leh ama carruur nuujinaya oo si xun u macluulsan.

“Waxaan ku misaali karaa heerkii abaartii Somalia ka dhacday 2011-kii.” Ayuu yiri Griffiths oo u dhashay UK.

Hadalsame Media