Taliyaha Ciidanka Xoogga Jen. Odawaa oo sameeyey arrin lid ku ah Dastuurka Dalka (Daawo)

0

(Muqdisho) 01 Okt 2021 – Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa isu sharraxay inuu ka mid noqdo Xildhibaannada DF Somalia ee loo xulayo Baarlamanka 11-aad ee dalka.

Wuxuu Jeneraalku xaflad isa soo bandhigid ahayd ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Yeelkeede, midda ugu darani waa inuu xafladdaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Jen. Odawaa Yuusuf Raage.

Odawaa ayaa si khilaafsan sharciga u degsan nidaamyada dimoqraadiga ah, wuxuu si cad uga qayb galay olole siyaasadeed, isagoo weliba ku dhiirradey inay caadi tahay inay siyaasadda dhex boodaan.

Dad badan ayaa sidoo kale is waydiinaya laba garay in Jen. Odawaa yahay nin aan lahayn khibrad jeneraalnimo, balse sababta uu arrintaa u aqbalay Jen. Indhaqarshe oo ah nin waayo arag ah?

Caadiyan Ciidamada Qalabka Sida oo ay ku jiraan millateriga ayaan boos uga bannaanayn inay taageeraan ama mucaaradaan aragti ama qof siyaasi ah, iyadoo laga doonayo inay dhexdhexaad noqdaan oo diiradda saaraan amaanka gudaha iyo dibedda dalka.

Nasiib xumo se khilaafka haatan ka dhex aloosan madaxda sare ee dalka ayaaba salka ku haya qodobkaas oo laga bayray, iyadoo uu Madaxwaynaha oo ah ilaaliyaha 1-aad ee Dastuurku uu si cad ugu dooday in aan la taaban karin Agaasinka NISA oo ay isaga isku dhow yihiin, haddii la bedelayana ay tahay inuu keensado qof kale.

NISA waa Nabad Sugiddii dhamayd ee Qaranka oo waxay aad muhim ugu tahay amaanka qaranka.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media