Wax laga misaalay cayayaanka beeraha faxliya oo la sameeyey & khiyaano ku jirta (Daawo)

0

(Hadalsame) 27 Sebt 2021 – Saynisyahannada ayaa markii ugu horreeysey taariikhda waxay sameeyeen mashiinno aad u yar yar oo duulaya iyagoo ka qalin daartay sida ay cayayaanku gacan uga gaystaan faxalka beeraha iyo abuurka.

Injineerro ka tirsan Jaamacadda Northwestern University ayaa diyaariyey mashiinnadan yar yar oo ah chip duulaya oo la yiraahdo ”microflier” oo ah wixii ugu yaraa ee uu insaan sameeyo.

Ujeedku waa inay isha ku hayaan dikhowga bay’ada iyo inay cudurrada ka digaan, balse waxaa ku jirta xeelad kale oo ah inay dadka basaasaan iyagoo aanba war u haynin maadaama ay aad u yar yar yihiin, sida uu qiray Inj. John Rodgers.

Saxarradan yar yar ayaa loo naqshadeeyey in marka ay dhulka kusoo dhacaan oo la isticmaalo ay marka dambe iska baaba’aan.

”Si ahaan bayolojigii ayaan ka raynay.” ayuu yiri Inj. Rodgers oo ka tirsan Jaamacadda Northwestern University.

Hadalsame Media