Gabar boqortooyo uga baxaysa si ay u guursato wiil ay is jecel yihiin & lacag badan oo ay diiddey + Sawirro

0

(Hadalsame) 27 Sebt 2021 – Amiiradda Japanese-ka ah ee Mako ayaa diidi doonta lacag dhan $1.3milyan oo doollar si ay guurkeeda ku bixiso, iyadoo ku dhawaaqi doonta goorta iyo goobta uu ka dhacayo guurkeeda oo sanado badan baaqanayey.

Princess Mako oo 29-jir ah, oo ah ina adeerta Boqor Naruhito, una doonan wiil sharciga bartay ayaa lagu wadaa inay aroos aan sidaa loo buunbuunin qabsato bisha Oktoobar ee soo aaddan.

Waxay sidaa ku macasalaamayn doontaa darajada boqortooyada, si ay u guursato Kei Komuro, oo isna 29-jir ah wax boqortooyo ahna aan kasoo jeedin, kaasoo ay isku barteen Jaamacadda International Christian University ee magaalada Tokyo.

Xeerka boqortooyada Japan ayaa dhigaya in amiiraddu ay ka baxdo safka qoyska boqortooyada haddii ay guursato qof aan boqortooyo ahayn, balse waxaa loo qoondeeyey ilaa ¥150 milyan oo Yen (£1milyan oo gini) ‘si ay u dhigato aroos u qalma qof mar boqortooyo ahaan jirey’. Balse Mako ayaa la sheegayaa inay lacagtaa diidi doonto.

Komuro oo guurka u bandhigay Amiiradda Diseembar 2013, ayaa guurka loo asteeyey Nofeembar 2018, maadaama ay dhiganaysey University of Leicester, balse waxaa loo riixay 2020, isagoo markale baaqday.

Hadalsame Media