Kursigii Cabdi Xaashi loo sallaxay oo doorasho la gelinayo & cidda ku haysata

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2021 – Waxaa wax laga bedeley qaabkii markii hore loo sallaxay kursiga Guddoonkii hore ee Aqalka Sare oo haatan lagula tartami doono Cabdi Xaashi.

Ra’iisul Wasaare Xigeenka dalka Mudane Mahdi M. Guuleed ayaa ku dhawaaqay In kursiga Koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula Tartami doono Cabdi Xaashi Cabdilaahi.

Go’aankan ayuu tilmaamay in la qaatay kaddib markii liiskii dhawaan soo baxay ee uu kaligiis xilka u taagnaa ay dood badani ka timid oo ay dad badani u arkeen arrin xumaynaysa qiyamka iyo hufnaanta doorashada.

“Markaan samaynay la tashiyo badan dhegeysanayna odayaasha dhaqanka waxaan go’aansannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xigeenka Mahdi M. Guuleed.

Hadalsame Media