Kolonyo gelbinaysey MW Puntland oo la sheegayo inay jidka ku rasaaseeyeen dad rayid ah & gabar dhimatay

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2021 – Kolonyo gelbinaysey MW Puntland ee Siciid Deni ayaa la sheegayaa inay rasaaseeyeen dad rayid ah oo jidka marayey.

Rasaastaasi ayaa la sheegayaa inay ku dhimatay gabar dhallinyaro ah oo musaafur ahayd.

Maryan Axmed Caato ayaa la sheegayaa inay u socotay dhanka Garoowe kahor inta aan rasaasta la huwin gaarigii ay saarnayd.

Maryan ayaa halkaa ku geeriyootey iyadoo aanu weli ka hadlin Maamulka Puntland iyo MW Deni iyadoo aanay jirin wax tillaabo ah oo laga qaaday askartii ilaalada ahayd.

Shilalka noocan ah ee lagu xabbadeeyo dadkq jidka maraya ayaa Somalia aad ugu badan waxaana ugu wacan askarta oo ah qaar aan wacyi ahaan u bislayn howshooda iyo xisaabtan la’aan.

Hadalsame Media

Facebook Comments