Maxaa keena wejiga aan markii hore muuqan ee ay madaxdu marka dambe lasoo baxaan?!!

0

(Hadalsame) 25 Sebt 2021 – Siyaasiyiintu isku aqoon, khibrad, Allah ka cabsi, akhlaaq, karti, garasho iyo waddaniyad ma aha.

Siyaasadda isaga oo aragti ka leh oo ka fekeray waxa uu ku biiri is leeyahay ayay qaarkood ulakac u doontaan. Qaarna ka fiirsi la’aan, xin iyo is maqiiq ayay ugu dhex dhacaan.

Labada noocba inta badan waxaan u qabaa in ay ku billaabaan niyad wanaag.

Markaa maxaa beddela oo niyad wanaaggooda su’aal geliya? Sababuhu waa badan yihiin. Mid keliya ayaan hadda u dan leeyahay.

Si aad ku timidba, marka aad mansab siyaasadeed qabato waxaa hubaal ah in lagugu gardarroonayo oo been lagaa faafinayo iyo in dad sidaa ku shaqeystaa ay kuu dhigayaan dabin siyaasadeed.

Waxaa wehliya in ay dhici karto in aad waajibaadkaaga qaarkood ka gaabiso, qaar aad si aan toosneyn u wajahdo iyo waliba in uu kaa dhaco khalad weyn oo aan cidna ka qarsooneyn.

Midda inta badan la isku dhaafaa waa sida aad ka yeesho oo aad ula falgasho khatartaa siyaasadeed ee ku soo wajahday.

Kala shakiga muddada gaaban ee madaxda dhexdeeda iyo waliba shacabka iyo madaxda iyo Haaraha siyaasadeed ee aan weligood bogsan labaduba markaas ayay dhashaan.

Ma ila qabtaa? Adiga maxay kula tahay?

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media