Qaraxa dhacay oo la sheegay in lala beegsaday qof caan ah (Muuqaal aan helnay)

0

(Muqdisho) 25 Sebt 2021 – Waxaa ay xogo dheeraad ihi kasoo kordhayaan qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ay waxyeello badan oo dhimasho & dhaawac lihiba ka dhasheen ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf.

Sida ka muuqata muuqaal aannu ka helnay gaariga Imaamka waxaa ay waxyeello ka muuqataa gaari Land Cruiser ah oo ah kuwa dedan oo uu Imaamku saarnaa.

Waloow aan la hubin in qaraxa oo la sheegay inay gaysatey qof haween ah oo is miidaamisay uu ku wajahnaa gaariga Imaamka, misna qof ku dhow ayaa sheegay in haweenaydu ay beegsatay gaariga imaamka, sida aad ka arki karto muuqaalka.

Si kastaba, meeshan qaraxa lala beegsaday ayaa ah meel aad u buuq badan oo ay ku sugan yihiin dad badan oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

Hadalsame Media