Ciidamada Kenya oo dadka u faa’iideeyey farsamo aad looga baahan yahay Somalia + Sawirro

0

(Dhoobley) 25 Sebt 2021 – Ciidamada Xoogga Kenya ee KDF ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan magaalada Dhoobley ayaa sheegay inay ka qayb galaan hindise lagu magacaabo Iskaashiga Ciidanka & Rayidka, kaasoo ay haweenka degaanka ku siiyeen khibrad gelin ku saabsan sida loo adeegsado dalagyo iyo geedo kala duwan, taasoo wax ka taraysa dhaqan-dhaqaalaha bulshada.

Ciidamada KDF oo sidoo kale sheegay inay dumarka barayeen sida loo xannaaneeyo shimbiraha la dhaqdo sida digaagga, boolla-boollada iwm, ayaa sidoo kale dadka tusayey waxyaabo ay ka mid yihiin sida geedaha loo xannaaneeyo, khudradda loo beero iyo baraagaha kalluunka lagu beero.

Waxyaabaha la baray waxaa ka mid ah sida ukunta loo dhaliyo iyada oo la adeegsanayo mashiinnada (chick incubators) ee heer-kulka loo baahan yahay siiya ukunta si ay u fiiqato waqti ka dhaqse badan intii ay caadiyan ku dhalan lahayd si ay u samaystaan beero digaag, taasoo muhim u ah sugitaanka amaanka quudka, dakhliga gaarka ah ee qofka iyo shaqaalaynta intaba.

‘‘Waa rakhiis in la sameeyo hannaanka isku darka beeraha (xoolaha iyo dalagga) waayo waa isku tiirsan yihiin, waana arrin wax ka taraysa dhaqaalaha.’’ ayuu yiri Serjente Kennedy Juma.

Hadalsame Media