WARBIXIN: Waa maxay caqabadaha ka dhasha markii dacwad lagaa dhigo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC?

0

(Hague) 25 Sebt 2021 – Ururka ay ku mideysaniyiin qareenno Soomaaliyeed oo qurbajoogta ah, oo fadhigoodu yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay inay dacwad ka dhan ah DF Somalia u gudbiyay Maxkamada Caalamiga ee Dembiyada ee ICC, oo uu fadhiggeedu yahay magaalada Hague ee wadanka Netherlands.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, oo ururkan guddoon u ah ayaa VOA u sheegay inay Maxkamadda Hague u gudbiyeen ilaa 4 kiis oo ka dhan ah Dowladda Somalia.

Kiisaskaa ayaa kala ah; kiiska Ikraan Tahliil, dadkii lagu dilay Baydhabo, xilligii doorashada ee Lafta Gareen, cunaqabateyntii la saaray Kismaayo iyo arinta dhalinyarada la geeyey Eritrea.

“Kiisaska aan u gudbinay maxkamada dambiyada ee caalamiga ah ayaa kala ah afar kiis oo kala ah kiiska Ikraan Tahliil, xasuuqii ka dhacay Baydhabo, cunaqabateyntii Kismaayo lagu soo rogay oo dhibaato fara badan ay kasoo gaartay shacabka Jubbaland iyo dhalinyarada Soomaalida ah ee loo qaaday wadanka Eritrea,” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax.

Dacwadda haatan loo gudbiyey ICC oo lagu sameeyey heshiiskii Statute of Rome lana sameeyey 1998-kii isla markaana aanay Somalia xubin ka ahayn, waloow aysan taasi meesha ka saarayn in laga dacweeyo, ayaa hadda maraysa marxalad gudbin oo qura ah balse waxay leedahay awood ay ku maxkamadayn karto ashkhaasta, waloow aysan inta badan dacwad kusoo oogin dowladaha iyo ururrada.

Sidoo kale, waloow ay tahay Maxkamad nidaam ahaan madax bannaan misna waxay inta badan ku xiran tahay Golaha Amaanka ee QM oo uu heshiiska maxkamaddani awood gaar ah siinayo.

Aalaaba marka dacwad laga furo shakhsi ama shakhsiyaad dowlad, jabhad, urur iwm ka tirsan, waxaa dhacda in qofkaa barwo caalami ah loo jaro oo uu isna ka baqdo inuu safro ama madlo caalami ah tago, sidii haysan jirtey MW hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir oo ka dacwaysnaa Maxkamadda ICC.

Halka ay Maxkamadda tageen sida MW hore ee Yoguslavia Slobodan Milosevic, hoggaamiyaha caanka ah ee Purma ee Aung Sang Sukyi iwm.

Halkan ka dhegeyso…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media