Xeelad lagu madadaalinayo RW Rooble oo socota & qaababka la adeegsanayo

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2021 – Ra’iisul Wasaarihii waxaa lagu mashquulinayaa waanwaan la doonayo in lagu oggoleysiiyo inuu yahay sidii ”qof ka shaqeeya xafiis qof leeyahay” oo shaqadii loo diray qabanaayo.

Dadka qaar uma arkaan inuu yahay masuul qaran oo waxayba la soo indha cad yihiin hawashaan looma dirin ee doorashaa loo diray. Ninka ma qof ayuu u shaqeeyaa oo hawl u diray miyuusan aheyn mas’uul qaran oo xil ka saaran yahay muwaadinniinta la dulmiyay inuu dulmiga ka difaaco?!

Dhinaca kale qof eedeysan oo dacwad ay maxkamadi kaga furan tahay ayaa saraakiil ciidan la kulmaya sida qof ay qoortiisu xor tahay isagoo weliba kula kulmaya xaruntii xilkeeda laga qaaday.

Soo taasi ma muujinayso inuu sharciga ka sarreeyo, balse dad aan rabin inay taa ka hadlaan ayaa kugu dhahaya Raysal Wasaaruhu Kiiska Ikraan waxuu ku ”hoos wataa ”in Jaadka Kenya la fasaxo”, si arrinta looga dhigo laba nin oo dano isku haysta.

RW Rooble, haddii uu oggolaado hoosaasinta socota ee ay wadaan dad raba inuu dulmigu sii socdo misna diidan in qoyska Ikraan helaan caddaalad dhexdhexaadin boojada ahna laguugu mashquuliyo, dhinaca kalena awood ciidan la abaabulo isagaa is dagay ee hadhow dad kale yuu eedin.

Waxaa Qoray: Maxamed Cabdi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media