Hadal uu Fahad Yaasiin xalay ka sheegay Xarunta NISA oo xogo badan lagala dhex bixi karo

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2021 – Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu xalaytoole kulan sagootin ah ku qabtay Xarunta Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Fahad oo iminka garaystay in aanu hay’addaa dib u maamuli doonin ayaa halkaa ka jeediyey hadallo isugu jirey dardaaran iyo wax uu ku sheegay ”ilaalinta sumcada hey’adda”, taas oo haatan meeshii ugu liidatey maraysa.

Sida ay xogtu sheegayso Fahad ayaa halkaa ka qiray in ”saraakiil dambiyo waaweyn galay oo Maxkamad mudnaa” hay’adda NISA in ay ka mid yihiin darteed ay u badbaadeen oo la isaga dhaafay, waloow aanu si gaar ah u carabaabin magacyada saraakiishaas uu soo hadal qaaday.

Dhanka kale, Fahad ayaa madaxda NISA kula dardaarmay inay isku xirnaadaan, isagoo u ballan qaaday in aanay maankiisa ka baxaynin oo uu niyad ahaan aad ugu dhow yahay.

Wuxuu kale oo taabtay qodob kale oo muhim ah oo uu ku sheegayo in qofka NISA madax ka noqonayaa uu iyada kasoo dhex bixi doono, warkaasoo u muuqda mid uu ku doonayo in aan la qaadan qofka uu magacaabay RW Rooble oo ah Bashiir Goobbe, maadaama ay is xog ogyihiin isaga & Madaxwaynuhu.

Si kastaba, Fahad ayaa ka mid ah la tuhunsanayaasha ugu sarreeya (prime susbects) ee loo haysto dilka ama qafaalka (haddii ay nooshahay) Ikraan Tahliil oo la waayey 26-kii Juun, welina arrintan marna uma wajihin sidii ay ku habboonayd, iyadoo haatan isu rogtey khilaaf siyaasi ah oo aan dalka dani ugu jirin.

Hadalsame Media