Saamaynta xun ee uu khilaafka Farmaajo & Rooble ku yeeshay ganacsiga Muqdisho (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 22 Sebt 2021 – Waxaa taagan khilaaf u dhexeeya MW Farmaajo iyo RW Rooble oo todobaadyadii tegey iskasoo daba saarayey waraaqo aysan mas’uuliyadi haba yaraatee ka muuqanin.

Labada nin oo uu caadiyan waqtigii muddo-xileedku ka dhacay balse la isku hayo cidda howsha wadaysa muddada xil-gaarsiinta, ayuu khilaafkoodii ugu dambeeyey ka kacay kiiska Ikraan Tahliil oo la waayey 26-kii Juun, iyadoo ay qoyskeedu sheegeen inay xaafadda fiidkii kasoo kexeeyey saraakiil NISA ah.

Haddaba, khilaafka siyaasadda ee u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysulwasaaraha waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalka, waxaana magaalada Muqdisho oo ka soo kabaneysay dagaallo muddo dheer ka jiray dadku hadda ka walaacayaan maalgashigii dhaqaale oo ay ku sameeyeen.

Waxay ganacsatadu wal-wal ka qabaan in isfahmi waaga siyaasadda ee hadda jira uu sababo dhibaatooyin horseed u noqda in uu dhaqaalahoodu burburo, maadaama aysan howlo badani u socon karin sidii la doonayey, iyadoo nidaamka haatan jira uu yahay mid daraama ku nool ah, balse daraamuhu aanu u roonayn xasilloonida dalka iyo niyad wanaagga umadda toona.

”Waxaan dalbi lahaa mobayllo qaali ah oo la iga sugayo, balse kuma dhiirran karo hadda.” ayuu yiri mid ka mid ganacsatada Muqdisho oo VOA la hadlay.

Hoos ka dhegeyso…

Hadalsame Media