Xanuun uu Maraykanku garan la’yahay oo ku dhacay nin jaajuus ah oo dalkaa u dhashay!

0

(Hadalsame) 22 Sebt 2021 – Sarkaal ka tirsan CIA-da oo u safrayay Hindiya bishan isaga iyo agaasimaha hay’adda ayaa laga soo sheegay astaamo la xiriira xanuunka Havana syndrome, oo maskaxda saameeya, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Saddex ilo wareed oo aan la magacaabin ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in sarkaalka uu helay daryeel caafimaad oo ku saabsan cudurka qarsoon.

CIA -da kama aysan jawaabin codsiyada cidsi ay u dirtay BBC-da ay uga hadlaan arrintan.

Waa kiiskii labaad ee la soo sheego muddo bil gudaheed ah, iyadoo mas’uuliyiinta Mareykanka ay sii wadaan baaritaanka sababta keentay.

Bishii Ogosto, duulimaadkii Madaxweyne Ku -xigeenka Kamala Harris oo ka yimid Singapore kuna sii jeeday caasimadda Vietnam ee Hanoi ayaa muddo kooban dib loo dhigay kadib markii sarkaal Mareykan ah uu soo sheegay astaamo muujinaya cudurka Havana syndrome.

Xanuunkan ayaa markii ugu horeysay saameeyay shaqaalaha safaaradaha Maraykanka iyo Kanada ee Havana, Cuba, sannadihii 2016 iyo 2017. Dhacdooyin kale oo dhowr ah ayaa tan iyo markaasi laga soo sheegay saraakiisha Maraykanka ee ku sugan waddamada Shiinaha, Ruushka, Jarmalka iyo Austria.

Diblomaasiyiinta waddamada Mareykanka iyo Canada ee ku sugan magaalada Havana ayaa horay uga cawday xanuunkaas oo calaamadihiisa qaar ka mid ah lagu sheegay madax wareer, dhac dhac, maqalka oo luma iyo cabsi xad dhaaf ah.

Mareykanka ayaa xilligaasi Cuba ku eedeeyay inay diblomaasiyiintooda “ku weerareen waxyaabaha dhaliyay xanuunka”, walow ay mas’uuliyiinta dalkaas beeniyeen eedeyntaas.

The US embassy in Havana, Cuba

Qoraalka sawirka, Xanuunkan mid u eg ayaa horay loogu arkay diblomaasiyiinta Mareykanka ee Cuba

Dhacdooyinkaas ayaa sii xumeeyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Cuba.

Sanadkii 2019-kii, khubaro Maraykan ah ayaa daraasad ku ogaaday in “uu dhaawac maskaxda ka gaaray” diblomaasiyiintii la xanuunsatay cudurkaas, laakiin Cuba ayaa ku gacan sayrtay natiijadaas.

Dadka ay saamaysay waxay sheegaan inay si lama filaan ah u dareemeen cadaadis dhanka maskaxda, iyo inay maqleen dhawaaqyo yaab leh oo ka imanaya meel aysan garanayn. Qaar kale waxay dareemeen dawakh, lallabbo iyo daal, iyo calaamado kale.

Daraasad cilmiyeysan oo lagu sameeyay dadkii uu xanuunka ku saameysay Cuba, oo la daabacay 2018, ayaa lagu ogaaday in diblomaasiyiinta ay soo mareen qaab dhaawac maskaxeed. Sababta si rasmi ah looma ogaanin, laakiin cilmi -baarayaashu waxay sheegeen inay u badan tahay natiijada shucaaca microwave ee tooska ah.

Daraasado kale ayaa soo jeediyay in ultrasound, sunta cayayaanka ama walxaha kale ee waxyeellada leh ay sabab u noqon karaan.

Ilo wareedyo ayaa CNN iyo New York Times u sheegay in agaasimaha CIA William J. Burns uu ka carooday dhacdadii ugu dambeysay ee India.

Qaar ka mid ah saraakiisha CIA-da ayaa rumeysan in dhacdadan ay geysatay awood ka soo horjeeda Mareykanka, iyagoo farriin u diray agaasimaha una sheegay inuusan jirin qof badqabkiisa la xaqiijin karo, CNN ayaa werisay.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka walaac ka muujiyay sida ay u suurtogal tahay in dembiilaha bartilmaameedaaday sarkaalka hore u ogaaday booqashada agaasimaha, oo ahayd sir si dhow loo ilaaliyo, warbaahinta ayaa intaas ku dartay.

Bishii Juun, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay in dib u eegis lagu sameeyo sababaha xanuunka.

Ilo ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in guddi hawleed gaar ah oo uu hoggaaminayo sarkaal ka tirsan CIA -da oo mar hogaaminyay raadintii Osama Bin Laden ay baaritaan wadaan.

Baaritaanka ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo ka hor dhammaadka sannadkan, balse waxaa laga yaabaa inuu muddo intaa ka dheer qaato, mana jirto qorshe dadweynaha loogu so bandhigayo natiijada xanuunkan, CNN ayaa sidaasi werisay.

Isha: BBC

Hadalsame Media