Ma aha markii ugu horreeysey ee Faransiiska la dareensiiyo qabyaaladda Anglo Saxon-ka (Maxaa dhacay hadda kahor?!)

0

(Hadalsame) 21 Sebt 2021 – Qolada aynnu caddaan marna reer Galbeed ku naanaysno, ee inoo heshiiyay, ee is ka keen xigsada, ee xinka miidhan ah, dhexdooda qolooyin bay u sii ka la baxaan.

Waxaa u gu laandheeraysan labada qolo ee la ka la yidhaahdo German iyo Latin. Qabaa’ilka Germanic-ga ah ama Anglo Saxon-ka Ingiriiska ayaa ugaas u ahaan jiray imikana Maraykanka, Latin-kana waayadii hore Roman (Talyaaniga) maantana Faransiiska.

Haddaba gurigood ba’u, qabyaaladda dhexdooda Soomaalida waa ay ka liitaan, in kasta oo ay aad u qarsadaan. Haddii la ga tago dhaqanka iyo taariikhda oo xinkoodu ka dhex muuqdo, labad dhacdo oo aan markhaati u ahaa baa qosol leh.

Midi waa dalka Ustaraaliya oo ka mid ah isirka Germanic-ga ayaa maalin dhowayd Faransiiska la galay heshiis uu ka ga gadan lahaa hub qiimihiisu yahay milyaaraad Dollar oo ay ku jiraan 12 gujis oo casri ah iyo gantaalo riddo dheer.

Daqiiqaddii u dambaysay ee xisaabta la ka la tirsan lahaa ayay Maraykan iyo Ingiriis qabyaalad daf la soo yidhaahdeen, oo Ustaraaliya ku kallifeen in ay heshiiskaa ka baxdo oo iyaga hubkooda iibsato, siiba Maraykanka.

Faransiiskii imika ciil buu dhulka is la dhacayaa qabyaaladda la gu la kacay, xidhiidhkiina wuu xumaaday.

Qisadani ta kale ee ay i xusuusisay waxaa la ga joogaa rubuc qarni. Badhtamihii sannadihii 1990-nadii shirkadda baabuurta VOLVO ee Iswiidhishka ah oo berigaa khasaare ku dhacay baa toontay shirkad ay la midowdo oo ku badbaado.

Shirkadaha waaweyn oo dhan baa hungurigu ka soo dhacay, waayo VOLVO waa baabuur aad u tayo sarreeya. Shirkadda baabuurta Faransiiska ee RENAULT ayaa soo bandhigtay heshiiskii u gu fiicnaa, gacanta ayaana la isa saaray oo la heshiiyay.

Laakiin tabta maanta oo kale waxaa heshiiskii is ku soo dhex tuuray Maraykanka shirkaddiisa weyn ee Genaral Motors. Iswiidhan iyo VOLVO wax ay qaateen Maraykan (qolo ahaan), sidaas bayna labadaa shirkadood ku midoobeen.

Qoladii Faransiis sidan maanta oo kale ayay muraaradillaaceen, weliba af cad ku dhaheen “waa takoor iyo qolannimo”.

La innaga ma qabyaalad yara laakiin teennu waa dad qudha dhexdooda ah, waana dan la’aan.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media