Su’aalo ka badan jawaabaha la hayo oo ka dhashay dhismihii Garoonka Buule Burde ee la burburiyey + Sawirro

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2021 – Wararka ka imanaya bartamaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhismihii ay dadku fariisan lahaayeen ee Garoonka Diyaaradaha Degmada Buula Burde uu gebi ahaanba bur buray kaddib qaraxyo lala beegsaday.

Dhanka burburay waa qaybtii hubinta iyo sugidda rakaabka diyaaradaha ee garoonka, kaasoo kaaga darane shalay uun gacanta laga qaaday oo dhismihiisa la soo gabagabeeyay.

Dhanka khasaaraha nafeed, inta la ogyahay hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday halka ay 3 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

SU’AALAHA TAAGAN? Waxaa Garoonka amaankiisa ku qaybsanaa oo si wadajir ah uga howlgala ciidamada DF Somalia iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM, haddaba sidee ayay kusoo galeen kooxda Shabaabku meesha?

Tan kale, sida ay sheegeen SONNA meesha dagaal kuma qabsan Shabaabku ee dhismaha unbay burburiyeen taasoo ka dhigan in dhismaha oo aan awalba xoogganayn la miineeyey, haddaba yaa arrintaa sahley? Halkee jireen ciidankii Garoonku? Sidee sidaa ugu fududaan kartaa in la qarxiyo dhisme ku dhex yaalla garoon la doonayo in ay dayuurado kusoo degaan?

Ciidamada Jabuuti ee halkaa jooga ayaa lagu eedeeyaa inay umadda iska dhex galeen oo ay gabdho guursi iwm ku mashquuleen halkii ay u dhaqmi lahaayeen sidii ciidan xirfadleey ah, sidee taasi uga tarjumaysaa nabad ilaalin ay malaayiin doollari ku baxdo marka la eego xaaladda amaan ee xasaasiga ah ee taagan? Aaway se kuwii Somalia ee heer gobol iyo heer federaal?

Hadalsame Media