Masar oo caqli ay dad badani la yaabban yihiin kula dhaqanta Falastiiniyiinta Marinka Gaza (Akhri yaabkan)

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2021 – Waxaa markii 2-aad Marinka Gaza tegey wefdi ka kooban injinneerro Masaari ah si ay u indha indheeyaan dib u dhismaha halkaa ka socda.

Ilo wareedyo rasmi ah ayaa Safa u sheegay in wefdiga Masaaridu ay halkaa joogayaan “muddo 2 todobaad ah si ay ula socdaan howlaha dib u dhiska Marinka Gaza.”

Injinneerradan oo ay soo dirtay Wasaaradda Guriyaynta Masar ayay qaybtoodii hore waxay halkaa tagtay horraantii bishii Juun ee sanadkan, kaddib markii ay Yuhuuddu joojisey duqaymo aanay u aaba yeelin 21-kii Maajo oo xabbad joojini hirgashay.

Israel ayaa inta aanay Masar soo dirin kolonyada wax dhisaysa iyo injinneerrada waxay halkaa burburinayeen 11 maalmood oo xiriir ahaa, iyagoo laayey 254 qof oo Falastiini ah oo 66 ka tirsani ilmo yihiin.

Waxay sidoo kale dumiyeen in ka badan 1,700 oo guri oo ay ku jiraan 5 isbitaal iyo 13,000 kale oo qayb ahaan la dumiyey kaddib 2,000 oo weerar, iyadoo ay beesha caalamku ku yaboohday $1.5 bilyan oo doollar oo ku baxaysa dib u dhiska Gaza.

Su’aasha milyanka doollar ah ayay waxay haddaba tahay sababta aysan Masar gacan uga gaysan karin in aan marka horeba la duqaynin Marinka Gaza oo ay sidoo kale dalka 2-aad ee go’doominta ku haya, maadaama ay ka xiratey dhanka Rafax?

Dad badan ayaa aad uga xumaaday in Masar ay qandaraas ay lacago badan ku heleyso ku qaadato arrintan oo ay cagafyo iyo wiishash soo dirto mar kasta oo Gaza dhulka la dhigo, balse aysan isku howlin sidii ay u keeni lahayd siyaasad keeni karta inaan marka horeba loo burburin, maadaama ay xiriir la leedahay Israel oo tacaddiyadan gaysata.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media