28.3 C
Mogadishu
Friday, April 26, 2024
Home Arrimaha Caalamka ”Sidee dal dhami ugu kala daadan karaa kiiska Ikraan Tahliil?!” – Washington...

”Sidee dal dhami ugu kala daadan karaa kiiska Ikraan Tahliil?!” – Washington Post oo far fiiq sameeyey

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2021 – Waynta sarkaalad da’yar oo ka tirsanayd NISA, ayaa keentay hardan awoodeed oo dhexmaraya Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia, taasoo rajo cusub siinaysa kooxda mintidka ah ee Al Qaacida lala xiriiriyo, ayaa lagu bilaabay maqaal dheer oo lagu qoray warqaadka caanka ah ee Washington Post.

Tafaasiisha wixii ku dhacay Ikran Tahlil Farah, oo ahayd 25-jir lafa-gurta dembiyada internet-ka ayaa weli mugdi ku jira.

Yeelkeede, arrintan ayaa sidii ay u socotey waxay Khamiistii keentay in MW Mohamed Abdullahi Mohamed uu sheego inuu dhimay awoodihii Raysal Wasaaraha, oo isaga ku eedeeyey inuu hortaagan yahay in cadaalad loo helo kiiska Ikraan.

Ismariwaagan siyaasadeed ayaa noqon kara mid amaan iyadoo dhaawacaysa hannaanka shaqo ee DF Somalia oo sanado badan la dagaallamaysey kooxda Al Shabaab iyadoo lagu khasiray balaayiin doollar oo kaalmo ah oo ay bixiyeen dalal uu Maraykanku ku jiro, sida ay khubaradu leeyihiin.

“Waqti kasta oo uu yimaado khilaafka gudeed ee noocan oo kale, waxay siyaabo kala duwan u anfacaysaa kooxda Shabaab. Wuxuu khilaafkani sidoo kale ka marag kacayaa wax kasta oo laga sheego DF sida inay tahay mid wax ku ool ahayn, daciif ah, qaybsan, isla markaana aan bulshada waxba u qaban.” ayuu yiri Omar Mahmood, oo ah falanqeeye Soomaali ah oo ka tirsan International Crisis Group.

Askari ka tirsan Ciidanka Lugta Maraykanka, Kevin Martin, oo ilaalinaya dayuurad wax ku dejinaysa meel aan la cayimin oo ka tirsan Somalia Juun 28,2020 (Horn of Africa/AP)

Khilaafka ayaa haatan sii xoogaystey kaddib markii Djibouti laga celiyey Fahad Yaasiin oo laga qaaday xilkii Agaasinka NISA, balse uu Farmaajo oo uu gacan midig u yahay u magacaabay La Taliye Amaan Qaran.

Farmaajo ayaa Jabuuti eed dusha uga tuuray, balse Wasiir Dibadeedka dalkaasi, ayaa Madaxtooyada ku eedeeyey inay “jahawareer abuurayaan oo ay doonayaan inay xasaradda Somalia soo geliyaan Jabuuti oo aan shuqul ku lahayn.”

“Mar kasta oo uu [madaxwaynuhu] sii joogo oo sii wado samaynta tillaabooyinka sharci darrada ah ee aan dastuuriga ahayn, waxaan usii dhowaanaynaa dagaal sokeeye.” ayuu yir Ismail Osman, oo ah Agaasime Xigeenkii hore ee NISA oo haatan ku sugan Washington.

Halkan kasii akhri…

Hadalsame Media