Xog aan horay loo ogayn oo kasoo korortay sida ay ku dhacday in si fudud loo qarxiyo dhismaha Garoonka Buula Burdo

0

(Hadalsame) 19 Sebt 2021 – Wararka ka imanaya bartamaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhismihii ay dadku fariisan lahaayeen ee Garoonka Diyaaradaha Degmada Buula Burde uu gebi ahaanba bur buray kaddib qaraxyo lala beegsaday.

Dhanka burburay waa qaybtii hubinta iyo sugidda rakaabka diyaaradaha ee garoonka, kaasoo kaaga darane shalay uun gacanta laga qaaday oo dhismihiisa la soo gabagabeeyay.

Dhanka khasaaraha nafeed, inta la ogyahay hal qof ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday halka ay 3 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xogo dheeraad ah oo Hadalsame Media kasoo gaaraya magaalada Buula Burde ayaa kashifaya xog cusub oo ku saabsan sidii uu ahaa xaalka garoonku marka wax laga eego dhanka amaanka.

Garoonka ayaa la sheegay inuu ahaa mid dayacan oo ay sidaa ku eeganayeen maamulka degmada, midka gobolka, DF Somalia iyo ciidanka AMISOM ee halkaa jooga, sida ay noo sheegeen ilo magaalada ku dhow.

”Garoonku wuxuu ku yaallaa duleedka magaalada marka maalinkii ayay ciidamadu tegaan galabkiina waa kasoo carraabaan oo cid ku hoyataa ma jirto. Waa sidi suuqa xoolaha ee subixii xoolaha lagu kala gato habeenkiina lagu kala tago oo ay safarreeydu ka kala tagaan.” ayuu yiri qof ka mid ah dadka magaalada ku nool oo aan magaciisa sheegin oo intaa raaciyey in ay garoonka dhisaysey shirkad rayid ihi.

Arrintan ayaa qayb ahaan ka jawaabaysa su’aalihii badnaa ee la is waydiinayey ilaa saaka markii uu warkani soo baxay, balse waxay haatan la taallaa Maamulka Hirshabeelle, DF Somalia iyo Ciidanka AMISOM oo u muuqday kuwa dayacay xilkii amaanka.

Hadalsame Media