Xogo aad uga duwan kuwii hore oo kasoo baxaya sababta ay Jabuuti ugu degtey Turkish Airlines

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2021 – Xogo hor leh ayaa kasoo baxaya sababta uu duullimaadkii dayuuradda Turkish Airlines ugu hakaday dalka Jabuuti.

Dayuuraddan ayaa la sheegay inuu saarnaa Fahad Yaasiin oo ah ninka udub dhexaadka u ah khilaafka siyaasiga ah ee haatan taagan.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah (Somali Civil Aviation) ee Garoonka Muqdisho ay dayuuradda Turkish Airlines u diiddey inay Xamar kasoo degto iyadoo sidda Fahad Yaasiin.

Warar kale oo aan weli la xaqiijin ayaa xitaa sheegaya in xitaa si KMG ah loo hakiyey duullimaadyaddii caalamiga ahaa ee Muqdisho tegayey.

Hadalsame Media