Shirkadda Turkish Airlines ee Muqdisho iman lahayd oo Jabuuti ka degtey + Sababta & Su’aal la is waydiinayo

0

(Jabuuti) 17 Sebt 2021 – Warar haatan nasoo gaaraya ayaa tibaaxaya in diyaaradda Turkish Airlines oo saaka uu duulimaadkeedu ka madlanaa magaalada Muqdisho ay ku degtey Garoonka Dayuuradaha dalka Jabuuti.

Sababta ugu wayn ee degitaanka dayuuradda keenay ayaa lagu micneeyey in diyaaradda uu ls socdo Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo la sheegayo inuu saaka usoo duulayey dhanka Muqdisho.

Garoonka Aadan Cadde ayaa la sheegayaa in lagu sii diyaariyey Ilaalo xooggan oo gaar ah oo ka tirsan NISA, si ay halkaa uga soo gelbiyaan Fahad marka ay soo degto Turkish Airlines.

Xogaha ayaa intaa raacinaya in diyaaraddu ay sidaa darteed ugu degtey Jabuuti kaddib markii ay ka war heleen sida ay wax u jilan yihiin oo keeni karta qalalaase amaan.

Lama oga waxa imaanshaha Fahad xilligan kusoo beegay taasoo xiisad hor leh Muqdisho ka kicin karta iyo sababta uu u doortay dayuurad caalami ah oo rakaaban toona.

Hadalsame Media