DEG DEG: Madaxtooyada oo qirtay in ay Jabuuti xayirtay Fahad Yaasiin waxa uu u socdey & digniin ay dirtay

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2021 – Madaxtooyada oo qirtay in ay Jabuuti xayirtay Fahad Yaasiin oo ay sheegtay in uu u socdey shir Muqdisho ka dhici lahaa, iyadoo digniin u dirtay Jabuuti.

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay  Madaxtooyada.

“Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda ka tahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

“Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.” Ayaa la raaciyey.

Hadalsame Media