DAAWO: Duullimaadyada caalamiga ah oo si caadi ah uga degaya Garoonka Aadan Cadde & Dayuuradaha yimid maanta

0

(Muqdisho) 17 Sebt 2021 – Waxaa ilaa saaka soo baxayey warar aan la xaqiijinin oo sheegayey in  in Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ah (Somali Civil Aviation) ee Garoonka Muqdisho ay si KMG ah u hakisay duullimaadyadii caalamiga ahaa ee saaka soo degi lahaa.

Yeelkeede, xiriirro aannu la samaynay Gegada Caalamiga ah ee Muqdisho ayaa noo xaqiijiyey inuu garoonku si caadi ah u shaqaynayo oo ay soo degayaan duullimaadyada oo idil, min maxalli, gobol iyo caalamiba.

Waxaa dayuuradaha caalamiga ah ee saaka ka degey magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways oo iyadu hadda dhow ka degtey halkaasi.

Si kastaba, waxaan weli meel saarrayn duullimaadkii Turkish Airways ee Jabuuti ku hakaday, kaasoo la xaqiijiyey in lagala degey Fahad Yaasiin. Wararka ayaa sheegaya inay Turkiga ku laabanayso, iyadoo xitaa dib u celisey rakaabkii, waloow aan taa dambe la hubin weli.

Hadalsame Media