Jawaab ku saabsan tafsiirkii uu Sambaloolshe siyaasadda ka bixiyey

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2021 – Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaan daawaday oo ka hadlay siyaasadda iyo damiirka ama aan si kale dhahee Anshaxa Siyaasadda.

Mowduuc aad u muhiim ah ayuu soo qaaday waana uga mahadcelinayaa.

Se waxaan u dhigi lahaa si ka duwan.

Siyaasadda ka hor ayuu siyaasigu ahaa qof qaangaar ah oo ugu yaraan dad la macaamilay.

Siyaasiyiinta qaarkoodna siyaasadda ka hor ayay lahaayeen khibrad shaqo, qaar kalena waxaa u wehlisay mid maamul oo isugu jirta dejin istaraatijiyad, maamul miisaaniyad iyo maareynta Shaqaale iyo wax soo saar. Kuwan dambe waxay hore u qaateen go’aammo saameynaya nolosha iyo horumarka dad ay iyagu mas’uul u yihiin.

Sidaa darteed siyaasaddu uma sameyso siyaasiga damiir iyo anshax hor leh ee isaga oo wata ama ka maran ayuu yimaadaa.

Awoodda ay siineyso iyo xaaladaha adag ee ay dhex taageyso awgood, siyaasaddu waa ay saameyn kartaa damiirka midka aan wax u kala soocneyn, kaan aqoon xudduudaha lama dhaafaanka ah iyo kan aan ku dhiirran karin in uu maya yiraahdo.

Siyaasiga fekeraya, wax isku falaya, dhaarta xusuusan, og in uu xafiiska ka tegi doono,
siyaasaddu waa ay imtixaantaa damiirkiisa, su’aalo badan ayay ku furtaa maskaxdiisa laakiin saameyn kale kuma laha.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media