Xubno ka tirsanaa Sirdoonka Mareykanka oo qirtay inay si qarsoodi ah ugu shaqeyn jireen dal Muslim ah

0

(Hadalsame) 15 Sebt 2021 – Saddex sarkaal oo horey ugu soo shaqeeyay hey’adaha mukhaabaraadka iyo millatariga Mareykanka ayaa qirtay in ay si qarsoodi ah ugu shaqeeyeen dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, si ay uga caawiyaan in Imaaraadku beegsado kambuyuutarrada iyo teledoonnada cadawgiisa.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Talaadadi sheegtay in saddexdani nin ay aqbaleen in ay bixiyaan lacag dhan hal milyan iyo todobo boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah, si ay loo tuuro dacwado ay kusoo oogtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka.

Hey’adda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay heshiiskaas kii ugu horreeyay oo noocsiisa ah.

Eedeysanayaasha kala ah Marc Baier, Ryan Adams iyo Daniel Gericke — ayaa lagu soo eedeeyay in ay maamulayeen hey’ad saldhigeedu yahay dalka Imaaraadka, taas oo ka shaqeysa howlgallo lagu jabsado kambuyuutarrada iyo telefoonnada dadka kasoo horjeedda Dowladda Imaaraadka.

Kambuyuutarrada ay u dhaceen ayaa la sheegay in ay yaalleen meelo badan oo dunida ah oo uu ka mid yahay Mareykanka.

Saddexdan sarkaal ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka la xiriira macluumaadka iyo jabsashada kambuyuutarrada ee Mareykanka.

Hadalsame Media