Kooxaha Malmö FF vs Juventus oo caawa Sweden ku ballansan (Dhegeyso)

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2021 – WARAR GOOS GOOS AH – Xuduudaha loo xirayo Covid dartii oo dhib laga sheegtay, Malmö FF oo caawa Juventus wajahaysa & nin Soomaali ah oo sheegay faa’iido ku jirta in carruurta la geeyo gobollada fog fog.

Waxaa caawa is fara saaraya kooxaha Malmö FF eek a dhisan KG Sweden iyo kooxda Juventus Torino ee dalka Talyaaniga oo ku ballansan guruubka H ee Champions League.

Kabtanka Malmö, Anders Christiansen, ayaa sheegay in waloow ay dadku u dhigayaan sidii taayoo ay dhinteen oo la aasay ay misna dhibic kasta ku iman doonto si la yaab leh, isagoo ku dooday inay kalsooni buuxda isku qabaan kulankan oo iyaga loo marti yahay.

Waxaa sidoo kale guruubkan H labadan kooxood kula midaysan kooxda reer EPL ee Chelsea oo London ka timaada iyo Zenit St. Petersburg oo ka dhisan Ruushka.

Hadalsame Media