Suuqa shaqada Sweden oo isbeddel wayn lagu samaynayo & fiisayaal la bixinayo (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 14 Sebt 2021 – Wararkii maanta iyo Sweden Waxaa maanta la furay kal-fadhiga baarlamanka Sweden ee Riksdag ee xilli-siyaasadeedka dayrta, waxaana halkaa iskugu yimid dhamaanba horseedka siyaasadda dalka oo uu soo dhoweeyey afhayeenka Baarlamanka Andreas Norlén.

Waxaa sidoo kale fardo karreetooyin xardhan jiidaya lagu keenay boqortooyada dastuuriga ah ee Sweden oo uu horkacayo Boqor Carl Gustaf Folke Hubertus.

RW Sweden ee Stefan Löfven oo maanta qorshayaasha xukuumaddiisa hor geeyey kal-fadhiga Baarlamanka isagoo sheegay inay diiradda saari doonaan: shaqooyinka, cilimada, barwaaqo sooranka & amaanka.

”Dadka Sweden dibedda uga imanaya si ay u shaqeeyaan waxay muhim u yihiin sharikaad fara badan, waxaan marka soo saari doonnaa fiisayaal gaar ah oo loogu tala galay dadka aqoonta sare leh, annagoo isbedelkii ugu ballaarnaa ku samayn donna suuqa shaqada Sweden.’’ ayuu yiri RW Löfven.

Hadalsame Media