DHEGEYSO: Hooyooyinka ay dilayaan ilmo ay dhaleen oo sanadihii dambe soo batay!!

0

(Hadalsame) 14 Sebt 2021 – 5-tii sanadood ee ugu dambeeyey, ugu yaraan 11 haween ah ayaa waxaa diley carruur qaan gaar ah oo ay dhaleen intii u dhaxaysey 2016-20, sida lagu baahiyey barnaamijka P1 ee dokumenteriyada gaagaaban.

12 kiis oo ka mid ah guud ahaan 102 kiis oo ah haween lagu diley xiriir dhow iyo muran qoys ayaa ah haween uu diley cunug ay dhashay.

Ha yeeshee, caadiyan haweenka ugu badan ee la diley waxay sababsadeen qof ay is qabaan ama ay horay u wada joogi jireen, balse dib u eegistan ayaa lagu ogaadey in 1 ka mid ah 10-kii hooyo ee uu dhibkani ku dhacay ay dileen ilmo ay dhaleen oo qaan gaar ah misna dhimirka ka xanuunsanaya.

Sida ay qabto Christina Silverbern oo ka tirsan khadka ay wacaan dadka la kulma dembiyada noocan ah oo ku sugan Kristianstad ayaa sheegtay in haween badani ay dhibkan u gigsadaan muddo dheer iyagoo aan sheegin in loo hanjabayo ama dhaqaale ahaan looga faa’iidaysanayo.

– Arki maysid meel ka dhaca aad u bandhigan tahay, waxay kula noqonaysaa maanta badda ayaa ku kacsanayd ama wuu degi doonaa, waa hab-howleedyada horseedaya cunfiyada kale marka uu qofku muddo dheer xaaladdan ku jiro.

Hadalsame Media