Talyaaniga oo laga hadal hayo arrin naxdin leh oo uu sameeyey nin Soomaali ah + Sawirro

0

(Rimini) 12 Sebt 2021 – Nin Soomaali ah oo 26-jir ah ayaa la sheegayaa inuu dhuunta toorreey uga dhuftay wiil yar oo 6-jir ah xalaytoole jidka viale Regina Margherita ee Rimini, dalkaasi Talyaaniga.

Wiilka yar ayaan haatan halis ku jirin. Wuxuu wiilka yari kasoo jeedaa dalka Bangladesh, waxaana isla xalay lagu qalay isbitaalka wayn ee magaalada.

MAXAA DHACAY? – Ninka Soomaaliga ah oo saarnaa baska Rimini, ayaa waxaa soo fuulay qolyaha tigidhada hubiya, balse wuxuu la boodey middi uu ku weeraray laba haween ah, sida lagu faafiyey Wakaaladda ANSA.

Wuxuu deeto ka degey baskii isagoo orday, wuxuuna sidoo kale dhaawacay 3 qofood oo kale intii uu ordayey, kuwaasoo uu ku jiro wiilka yar ee uu dhuunta ka dhaawacay, waloow ay markii dambe booliisku qabteen.

Shilka ayaa ka dhacay agagaarka Miramare gaar ahaan khadka 11-aad shalaytoole galab gaabkii, iyadoo ninka dhibka gaystey la sheegay inuu muddo ku sugnaa Yurub oo uu dalal badan isu soo maray kahor intaanu imanin Talyaaniga oo uu ka codsaday qaxootinnimo.

Arrintan ayaa xumaynaysa sumcadda soo galootiga gaar ahaan Soomaalida iyadoo sidoo kale xoojinaysa aragtida kooxaha midigta ah ee soo galooti diidka ah ee sanadihii dambe ku xoogaysanayey siyaasadda Galbeedka.

E’ accusato di aver accoltellato cinque persone, tra cui un bambino ferito alla gola. Per questo motivo un uomo è stato fermato questa sera dalla polizia a Rimini. È successo in serata sull’autobus della linea 11 dove
all’uomo è stato chiesto da due controllori di esibire il biglietto. In risposta l’uomo, di origine somala, ha estratto il coltello colpendo i due addetti e poi è scappato. Inseguito dalla polizia nella fuga ha accoltellato altre tre persone, tra cui una donna e un bambino. Cinque i feriti in totale. ANSA/WWW.altarimini.it

Hadalsame Media