DAAWO: Dal ku yaalla Bariga Afrika oo sameeyey basas koronto ku shaqeeya (Xulka Mali oo maanta lagu qaaday)

0

(Hadalsame) 06 Sebt 2021 – Dalka Uganda ayaa basaska uu isagu sameeyey ee batariga iyo korontada isku barxan ku shaqeeya ee ay samayso Kiira ee Kayoola Solar Bus wuxuu mudadaba u adeegsanayey si maxalli ah.

Basaskan ayay qaarkood qaab tijaabo ah kaga howl bilaabeen magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi, iyadoo ay weliba baanallo soollar ihi dusha u saaran yihiin, taasoo ka dhigan inuu tamartiisa ka qaadanayo cadceedda.

Bas ay Kiira samaysay ayaa maanta Xulka Mali kasoo daabulay gegada caalamiga ah ee Antebbe ee ku yaalla meel ka yara baxsan caasimadda, taasoo qab wayn u ah dalkan ku yaalla Bariga Afrika.

Basaskan korontada ku shaqeeyaa ee ay farsamayso Kiira Motors Corporation, oo ay leedahay dowladda Uganda, waa kuwii ugu horreeyey ee ay samayso dowlad ku taalla Afrika.

Kiira ayaa sidoo kale farsamaysa noocyo kale oo gawaari ah sida kuwa raaxada ah oo la yiraahdo Kiira Smack.

Hadalsame Media