DAAWO: Xul Afrikaan ah oo ku go’doonsan caasimadda Guinea Conakry

0

(Conakry) 05 Sebt 2021 – Laacibiinta Xulka Morocco ayaa waxaa qabsaday afgembiga Guinea Conakry waxaana ka mid ah xiddigaha Fiorentina, Sofyan Amrabat iyo Youssef Maleh oo haatan hoteel ku go’doonsan.

Xulka ayaa ku sugnaa caasimadda Conakry oo ay dalkaasi kula ciyaari lahaayeen isreebreebka KA2022 oo ay Guinea la lahaayeen.

Lama hubo inay ciyaartu sideedii ku socon doonto iyo in kale maadaama ay askartu ku dhaqaaqeen inay dowladdii qallibeen.

Muuqaal uu soo dhigay daafacii hore ee Genoa Jawad El Yamiq, oo u wareegey Real Valladolid bishii Sebtembar 2020-kii.

Xaaladda ayaan kala caddayn, iyadoo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu sheegtay in afgembigii la fashiliyey iyagoo soo bandhigay askar la joogta MW Alpha Condé oo ay warar kale sheegayaan in la xirey.

 

Hadalsame Media