Turkiga oo go’aamo cusub kasoo saaray dadka Somalia ka dhoofaya ee Turkiga u socda (Iska akhri shuruudaha)

0

(Ankara) 05 Sebt 2021 – Turkiga ayaa go’aamo cusub kasoo saaray Soomaalida u safraysa dalka Turkiga ee ka imanaysa Somalia, waxaana go’aamada cusub ka mid ah sidan:

Qofkii haysta shahaadada labada kuuro ee tallaalka Covid-19 ama hal kuuro oo ah Johnson & Johnson oo uu qaatay 14-kii maalmood ee ugu dambeeyey kahor intaanu soo bixin, amaba uu ku dhacay kaddibna kasoo kabtay cudurka Covid-19 6dii bilood ee ugu dambeeyey oo ka bilaabmaya maalinta 28-aad ee uu maray tijaabada cudurka, loogama baahna wax karaantiil ah.

Qofkii aan haysan shahaadada labada kuuro ee tallaalka Covid-19 ama hal kuuro oo ah Johnson & Johnson oo uu qaatay 14-kii maalmood ee ugu dambeeyey kahor intaanu soo bixin, amaba uu ku dhacay kaddibna kasoo kabtay cudurka Covid-19 6dii bilood ee ugu dambeeyey oo ka bilaabmaya maalinta 28-aad ee uu maray tijaabada cudurka, waxaa looga baahan yahay caddayn diidooley ah oo ah inuusan qabin cudurka Covid-19 oo jirta 48 saacadood.

Waxaa tijaabada baarista ah ee PCR qaadaysa Wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyadoo qofka markii la baaro loo fasixi doono halkii uu u socdey, haddii cudurka laga helo isaga iyo intii u dhowayd waxaa la soocayaa muddo 14 maalmood ah, iyadoo maalinta 10-aad baaris kale la marsiinayo oo haddii cudurka laga waayo si caadi ah loo fasaxi doono.

DADKA AAN LAGA DOONAYN – Dadka qaabka cabbaar-furka ah ku maraya Turkiga ee dalalka kale uga sii gudbaya loogama baahna, sidoo kale da’yarta 12-jirka ka yar loogama baahna intan aynu soo sheegnay.

Tan kale, waxaa arrimahan u xil saaran shirkada dayuuradaha ee tegeya Turkiga, qofkii aan waddana lama fasixi doono.

Hadalsame Media