Wasiir Dubbe oo markale ka hadlay wararka sheegaya in Tiyaatarka la iibin rabey

0

(Muqdisho) 01 Agoosto 2021 – Wasiirka Warfaafinfa DF Somalia, Cusmaan Obokor Dubbe, ayaa beeniyey warka sheegaya in la iibiyey dhul ka tirsan Tiyaatarka oo maalmahan hawada soo galay.

Wasiir Dubbe ayaa Hadalsame Media u sheegay in ay mar ku fikireen in meel yar oo ka bannaan qaybaha dambe ee Tiyaatarka ijaaraan oo makhaayad ka kireeyaan balse aanay marna xisaabta usoo gelin inay dhulkaa iibiyaan.

”Waa meel yar oo uu yaalley matoorka dabka siiya Tiyaatarka.” ayuu ku dooday Wasiir Dubbe oo Hadalsame la hadlayey isagoo sheegay in ay arrinta karaar dhaafiyaan dad dano gaar ah lahaa, sida uu yiri.

”Maba jiro boos caadi ah oo bannaan oo uu Tiyaatarku leeyahay.” ayuu raaciyey mar uu sharraxayey su’aal ku saabsanayd booska la sheegayo in la iibiyey ama la ijaarey.

Wuxuu sheegay in haatan la hakiyey arrintaasi kaddib markii uu amar kasoo baxay RW Rooble oo soo jeediyey in howshaa halkeeda lagu hakiyo.

Hadalsame Media