XOG: Turkiga oo ka mid noqday 3-da dal ee dunida ugu haysta tiknolojiyadda daroonka (Noocyo cusub oo uu soo wado)

0

(Ankara) 01 Sebt 2021 – Turkey ayaa ka mid noqday 3-da dal ee dunida ugu sarreeya dhanka tiknolojiyadda daroonnada, sida uu sheegay MW Turkiga oo la hadlayey Anadolu Agency.

“Kaddib samaynta daroonka Akinci, Turkey waxay ka mid noqotay 3-da dal ee ugu horumarsan dhanka sancaynta daroonnada is wada.” ayuu yiri MW Recep Tayyip Erdogan oo soo dhoweeyey daroonnada Bayraktar Akinci oo ciidanka xoogga dalkaasi lagula wareejiyey gobolka woqooyi galbeed ee Tekirdag.

Wuxuu sheegay in Turkigu aanu halkaa ku hakan doonin ee uu haatan gacanta ku hayo samaynta daroonno ka duuli kara maraakiibta dagaalka iyagoo u baahan dhabbayaal gaagaaban, marka ay howlgallo dibedda ka samaynayaan.

Wuxuu Erdogan sidoo kale bogaadiyey isku tashiga Turkey oo awal 20% oo qura hubkiisa samaysan jirey, balse haatan 80% isagu samaysta, sida uu sheegay.

Turkiga ayaa haatan samaynaya daroon gujis ah oo kaligii badda maraya isagoo sida gantaallo badeedyo halis ah sida nooca Torpedo-ga.

Hadalsame Media