DHEGEYSO: Yaa bedelaya RW Sweden? Magacyada la hadal hayo & qofka ugu sii cad cad?

0

(Stockholm) 23 Agoosto 2021 – Waxaa taagan su’aasha ah waayo qofka bedeli doona RW Lövfen? Wasiirka Maaliyadda Sweden, Magdalena Andersson, ayaa ah qofka koowaade ugu cad cad xilka hoggaanka xisbiga.

Waxaa kale oo la hadal hayaa Wasiirka Caymiska Bulshada, Ardalan Shekarabi, Wasiirka Cadaaladda, Morgan Johansson, Wasiirka Tamarta, Anders Ygeman iyo Wasiirka Arr. Gudaha Mikael Damberg.

”Xisbiga S waxaa hor yaalla caqabaad ay ka mid yihiin in lasii adkeeyo daryeelka iyo barqaaqo sooranka, intaa kaddib waa in diiradda la saaraa Sweden cagaaran oo xooggan, arrimaha xasilloonida, marka guud ahaan waa inuu qofku u qaabayn karaa farshaxanka siyaasiga ah ee xisbiga weliba si xirfadaysan,” ayay tiri Lena Rådström Baastad, Xoghayaha Guud ee Xisbiga S.

Hadalsame Media