Hab-raac cajiib ah misna sahlan oo ay leeyihiin jamaacada uu ka mid yahay Sheekh Xuseen Cali (Jabuuti) oo dadka soo jiitey

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2021 – Sheekh Xuseen Cali (Jabuuti), badanaa wuxuu Muqdisho yimaadaa xilliga la gaaro kulanka weyn ee ay culumada Tabliiqu iskugu yimaadaan. Kulankaasi ma lahan jadwal la sii qorsheeyay oo albaabka Masjidka lagu soo dhejiya sida ay sameeyaan culumada casriga ah ee qurbaha ama xitaa ma jiro ogeysiis idaacadaha laga sii daayo, ma na jirto meel aad ka ogaan kartid in uu kulankii dhici rabo oo aanan masaajidada ka ahayn.

Culumada kulanku laabtoobyo ma wataan, hoteello loo sii kireeyayna ma jiraan oo masjidka dhexdiisa ayay cibaadada kula dhafraan xerta inteeda kale, haddii wax waardiye ah ay jiri karaanna waa labada nin ee albaabka Masjidka ulaha dhaadheer la taagan ee ilaalinaya in gelidda iyo bixidda masjidka uusan buuq ka dhalanin. Dhaqan hore oo qofka dareensiinaya sida ay diintu dadka walaala uga dhigtay ayaa masjidka ka dhex jira. Qof walba wuxuu kaa hor imaanayaa isaga oo dhoollacadaynaya.

Dhallinyaradii aad xaafadaha magaalada ku taqaannay oo labiskii iyo tintii soo qurxistay ayaad masjidka ku arkaysaa. Marka aad dhallinyaradaas xaafaddii ula laabato lagama yaabo in midkood uu ka sheekeeyo cayaarihii iyo adduunyadii kale oo maalmahaas dhanka cibaadada ayay u bataan. Waxaa jira in qaybaha masjidka lagu kulmayo lambarro loo kala yeelo oo sidaas ay ku kala degaan xerta maalmahaas goballada uga imaanaya kulan-waynaha. Marka uu kulanku furmo ma ogaan kartid Sheekha xiga ee khudbeyn doona, waxa sidaas loo samaynayana waa isduldhig (Tawaaduc) iyo in kulanka la weyneeyo ee aanan shakhsi gaar ah la weynayn.

Masjidka Alhidaaya oo magaalada geddiga ugu xaggeeya ee degmada Hiliwaa xaafaddeeda Waxaracadde ku yaalla ayuu kulanku ka dhacaa. Waa meesha Muqdisho ay dadka ugu badan ee arrin diinta la xiriirta ka tashanaya ay ku kulmaan . Sheekh Xuseen ayay dadka badankoodu hadalhaayaan. Dadka qaar ayaa dhaha Sheekh Xuseen Tabliiq. Waa kan ugu fasaaxada iyo balaaqada wanaagsan ee marka uu khudbeynayo inta masjidku buuxdhaafo ay dadku istaagga dibadda uga dhagaystaan. Khudbadihiisa badanaa ma lahan ciwaanno. Hadduu kulanku galab furmo markaas waxay u badan tahay in salaadda maqrib kadib uu makrafoonka qabsado.

Towxiidka ayuu aad uga hadlaa iyo qisooyinka xoojinaya. Aduunyada iyo hantida loo kala ordayo ayuu dadka tusaa in ay gacanta Rabbi ku jirto. Qanaacada iyo in nimcooyinka laga mahadceliyo ayuu ku dheeraadaa. Kulankii u dambeeyay wuxuu ka hadlay cudurka Karoonaha oo uu sheegay in qaababka looga hortegi karo oo dhan ay diintu noo sheegtay. Wuxuu yiri ” Nebigii joogay xilligii awrta iyo fardaha ayaa innooga warramay badbaadada nafteenna adduun iyo aakhiraba”.

Kulanka oo soconaya saddex maalmood ayaa maalinta u dambaysa subaxeeda waxaa lagu soo xiraa duco ay xertu inta badan jecel yihiin in aysan ka baaqanin. Waxay badanaa isku boorriyaan in subaxa ducada la soo xaadiro. Marka ay ducadu dhammaato waxaa xertii loo kala diraa goballada dalka iyo qaar xitaa waddamada deriska ah iyada oo loo eegayo qof ba inta maalin ee uu qortay si uu diinta uga shaqeeyo. Xerta isqorta looma oggola taleefannada waawayn ee qadka laga galo, waxaana sidaas ugu billaabanaya gudashada xil weyn oo u baahan in loo dhabar-adaygo.

”Aduunyada ku qanac inta aad ka haysato, balse cibaadada ha ku qancin inta aad haysato.” Sheekh Xuseen.

Waxaa Diyaariyey: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media