XOG: Dalka RW Rooble ku qalqaalinaya inuu musharrax noqdo & Maamul-goboleedyada oo uu casuumi karo

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2021 – Madaxda shanta dowlad gobolleed ayaa casumaad rasmi ah ka helay Boqortooyada Sucuudiga.

Waxaa la filayaa in ay RW xil-gaarsiinta ku weheliyaan booqasho uu ku tagayo dhawaan dalkaas.

UJEEDKA

Waxaa jira qorshe ay ka wada shaqeynayaan Egypt, Kenya, Djibouti iyo Sucuudiga oo la rabo in Rooble noqdo musharax xilka Madaxweynenimo ee dalka!!

Sida xogaha ay sheegayaan, Rooble waxaa loo sheegi doonaa in uu yahay musharaxa kaliya ee DHISMI kara!!!

Dhinaca kale, waxaa si rasmi ah ay ilo hoose xaqiijyeen jirta in Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu si toos ah ugu dhiirigaliyey Rooble in uu tartamo.

GOORMA AYAY TEGI KARAAN?

Shirka berri uga furmi doona Muqdisho ee lagu dejin doono habraacyada doorashada Golaha Shacabka kaddib ayey odayaashu wada dhaqaajin doonaan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media