LIX sifo oo ay wadaagaan Madaxwaynihii laga ergey Afghanstan & midka Somalia

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2021 – Waxaa bilaabatay doodo iyo maqaallo ku saabsan isbarbardhig ay dad ku samaynayaan xaaladda Afghanstan iyo Somalia, iyo sidoo kale Daalibaan iyo Al Shabaab, waloow ay dad badani qabaan inay labada dhinac aad u kala duwan yihiin.

Weriyaha Turkiga ah ee Umut Çağrı Sarı oo aalaaba wax ka qora Afrika guud ahaan Bariga Afrika ayaa boggiisa Twitter ka furay dood ku saabsan inaan xaalka Afghanstan aan lagu mitaali karin midka Somalia.

”Qabsiga Daalibaan ee Afghanistan ma aha mid la yaab leh, waa mid la sugayey. Dadka Somalia waxaan ogaanney inay dad Twitter ka bilaabeen foorjo ku saabsan in Somalia ay noqon doonto Afghanistan kale,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

”Al Shabaab ma aha Daalibaan, Somalia na ma aha Afghanistan.” ayuu daba dhigay Umut Çağrı Sarı.

Haddaba, dadku waa la isku khilaafsan yihiin arrimo badan oo ku aaddan meelaha ay labada dhinac iskaga mid yihiin iyo xitaa meelaha ay ku kala geddisan yihiin, balse maxay wadaagaan labada Madaxwayne ee Somalia iyo Afghanstan?

1 – Labaduba waxay haysteen dhalashada Maraykanka, waloow uu MW Somalia sheegay inuu iska celiyey, waloow la ogaadey inay kayd u tahay midda Canada.

2 – Waxay labaduba wax ku barteen Maraykanka, gaar ahaan tacliinta sare.

3 – Labaduba waxay madax ka noqdeen laba dal oo ah kuwa lagu sheego ”Dowlado fashilmay!”.

4 – Labada Madaxwayne waxaa gacan ku leh Maraykanka.

5 – Labada Madaxwayne waxay wajahayaan dagaal ay wadaan kooxo xag-jir ah.

6 – Labaduba waxay lumiyeen kalsoonida guud ee shacabkooda, waloow uu MW Somalia shacbiyad aan caadi ahayn lahaa markii uu xilka qabanayey, taasoo ku luntay muddadii uu xilka hayey tillaabooyinkii badnaa ee uu qaaday.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments