DAAWO: Laacib caan ahaa oo u dheelayey Xulka Afghanstan oo ka mid noqday dhallinyaradii kasoo dhacday dayuuradda Maraykanka

0

(Kabul) 19 Agoosto 2021 – Waxaa la xaqiijiyey in laacib dalka Afghanstan caan ka ahaa oo xulka u dheeli jirey uu ka mid ahaa dhallinyaradii ku daba dhegtey dayuuraddii ciidamada Maraykanka ee C-17, kaasoo ka mid noqday dadkii kasoo dhacay dayuuradda markii ay ka kacday gegada Kabul.

Zaki Anwari, 19-jir, ayaa ka mid ahaa Junyarka Xulka Afghanistan, iyadoo aan xog kale oo dheeraad ah laga bixinin geeridiisa.

Wiilkan ayaa ka mid ahaa kumannaan rayid iyo dowladdii horeba iskugu jira oo aad ugu dadaalayey inay ka baxsadaan dalkaasi kahor inta aysan si buuxda ula wareegin kooxda Daalibaan.

Muuqaalkan naxdinta leh ayaa Isniinta soo baxay iyadoo la arkayey dadka oo mid mid uga soo dhacaya dayuuradda oo aan weli gaarin hawada sare, weliba waxaa dhacday in markii ay ka degtey dalka Qadar ceelka taayarrada laga helay dad googo’an, kuwaasoo loo badinayo inay ku dhegeen ulaha celiya taayarrada dayuuradda.

Warbaahinta caalamka ayaa sidoo kale soo qaadatay boqollaal ama xitaa kumannaan dad ah oo si aan nidaamsanayn u dhex meeraysanayey garoonka Kabul iyagoo Maraykanka ku eedeeyey inuu aabbe u yahay fashilka dhacay marka ay timaado sida uu xisaabta u khalday markii uu baxayey, isagoo aan filaynin inay sidaa fudud dalkaa ku qabsan karaan kooxda Daalibaan.

Hadalsame Media