XOG: “Ragga hakala reebin!” – Maxaa ku kala qabsaday Guuleed iyo Shariif kulamadii dhawaa ee Midowga Musharixiinta??

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2021 – Kaddib muddo gaaban oo kala maqnaan ah, waxaan dhawaan kulamo saddex maalin qaatay isugu soo laabtay xubnaha ku mideysan Golaha Midowga Musharixiinta.

Kulamadan oo daarnaa ka dhiidhinta sida ay ku bilowdeen doorashooyinka guud ee dalka iyo gaar ahaan sidii lagu soo doortay mudaneyaasha cusub ee Aqalka Sare.

Intii lagu guda jiray kulamada, waxa ay xogo hoose oo shirka ka ag dhawaa noogu warrameen in ay mar is maan dhaafeen labada musharax ee kala ah Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xassan Shiekh Aadan.

Cabdikariim oo aan kulan si jismiyan ah uga qeybgaleen balse doodihiisa ku soo gudbinayey teleefanka maadama uu dalka ka maqnaa ayaa si qeyn ugu nuux nuuxsaday dhalleeceynta sida ay wax u soo xuleen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, Siciid Deni iyo Qoor Qoor.

Hase yeeshee, Shariif Xassan oo aad u dhuuxayey Cabdikariim ayaa mar qura inta ku jeestay si kulul u weydiiyey sababta uu uga laad laado ragga qaar, balse uusan uga hadleyn sida uu wax u maamulay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Laftagareen.

Shariif uu si weyn u carraysan ayaa weydiiyey Guuleed, “Maxay tahay sababta aadan ragga u kala reebeysid, adiga oo qaarna u hambalyeeyey kuwa dhalleeceyneysaa!?

Ugu dambayn maalintii saddexaad waxaa shirka ka soo baxay War-murtiyeed u badnaa qodobo guud, mana jirin nuxur SAX ah oo uu daarnaa shirkaas dhawrka maalin socday.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

Hadalsame Media