Maxay muujinaysaa in Guddiga Doorashooyinka heer fedaraal ay isku raaci waayaan hab-raacii doorashada?!!

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2021 – Hadii Guddiga Doorashooyinka heer fedaraal ku heshiin waayay habraaca Doorashada xildhibaanadda Golaha Shacabka oo ah xeer hoosaad shaqada lagu hagayo sidee buu ugu heshiin doonaa doorasho 275 ( aqalka hoose) Xildhibaan?

Miyuusan gudigu lahayn xeer hoosaad qeexaya nidaamka go’aan gaarista gudigga?

Waa in hawsha gudigaan dib loo fiiriyo inta aysan shaqada wayn galin, loo sameeyo tababar, lana horumariyo xeerarkiisa ama lagu tababaro.

Sidoo kale gudigu waa inuu leeyahay hawlwadeeno maamul oo nidaamka ilaaliya diiwaangaliya nuxurka kulamada gudiga.

Maamul xumo baa Soomaaliya asaageed kareebtay!

Waxaa Qoray: Cabdifitaax Maxamed Sugulle

Hadalsame Media