”Somalia ma aha Afghanstan, Daalibaanna ma aha Al Shabaab!” – Weriye Turki ah oo bilaabay dood xasaasi ah & Soomaalida hal arragti u badatay

0

(Hadalsame) 18 Agoosto 2021 – Weriyaha Turkiga ah ee Umut Çağrı Sarı oo aalaaba wax ka qora Afrika guud ahaan Bariga Afrika ayaa furay dood ku saabsan inaan xaalka Afghanstan aan lagu mitaali karin midka Somalia.

Weriyahan oo sidoo kale aad u qaadaa dhiga xiriirka Somalia iyo Turkiga oo sanadba midka ka dambeeya sii kobcaya ayaa boggiisa Twitter-ka sidatan kusoo qoray:

”Qabsiga Daalibaan ee Afghanistan ma aha mid la yaab leh, waa mid la sugayey. Dadka Somalia waxaan ogaanney inay dad Twitter ka bilaabeen foorjo ku saabsan in Somalia ay noqon doonto Afghanistan kale,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

”Al Shabaab ma aha Daalibaan, Somalia na ma aha Afghanistan.” ayuu daba dhigay Umut Çağrı Sarı.

Waxaa markiiba Twitter-kiisa kasoo jawaabey dad fara badan oo kasoo jawaabey warkiisa, iyadoo ay dadka badankoodu isku raaceen in Shabaabku ay mar hore lumiyeen taageerada shacabka intiisa badan, sidoo kalena aysan Daalibaan la mid ahayn maadaama ay kala duwan yihiin xaaladda labada dhinac iyo sidoo kale dunta ay ka samaysan yihiin.

Hadalsame Media