Erdoğan oo talo muhim ah usoo jeediyey RW Abiy Ahmed si loo xalliyo xasaradda dalkiisa

0

(Ankara) 18 Agoosto 2021 – MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku yaboohay inuu dhexdhexaadiyo DF Itoobiya iyo fallaagada Tigreega ee ku dagaallamaya woqooyiga dalkaasi gaar ahaan Gobolka Tigraay, isagoo ballan qaaday inuu ilaaliyo qiyamka dalkan.

Erdoğan ayaa warkan u sheegay RW Itoobiya ee Abiy Ahmed oo maanta halkaa gaarey isagoo ku wargeliyey in “nabadda iyo qiyamka dalkiisu uu muhim u yahay Turkiga”.

“Haddii ay xaaladdu kasii darto, dhamaan dalalka gobolka saamayn ayay ku yeelan doontaa. Marka Turki ahaan diyaar ayaannu u nahay inaan gacan ka gaysanno wax kasta oo aan awoodno oo ay ku jirto inaan dhexdhexaadin samayno.” ayuu soo jeediyey Erdoğan.

Ankara iyo Addis Ababa ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinnimo iyadoo ay labada hoggaamiye ballan qaadeen inay kordhiyaan iskaashiga dhaqaale iyo midka ganacsi.

Abiy ayaa isna sheegay in ”xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay xushmad iyo aaminaad laba dhinac ah“, balse ma jiro heshiis rasmi ah oo haatan lasoo bandhigay.

Hadalsame Media