Godka taayarrada dayuuraddii ay dadku xoogga ku raaceen oo laga helay dad googo’an (Ciidanka Cirka oo dib u daawanaya muuqaalladii laga duubay)

0

(Washington, DC) 18 Agoosto 2021 – Ciidanka Cirka Maraykanka ee USAF ayaa sheegay inay baarayaan duruufihii ku hareeraysnaa dayuuraddii C-18 Globemaster oo haatan godka taayarradu galaan laga helay googo’a dadka ku dhintay.

Dayuuraddan oo ay dad badani xoog ku raaceen ayaa sidoo kale waxaa jirey qaar ku daba dhegey ama taayarrada iwm ku dhegey oo deeto soo daatay isla markii ay kacday maadaama aanay u adkaysan karin cadaadiska daran ee hawada bannaanka.

Qodobbada muhimka ah:

“Maadaama ay wajahayeen xaalad kasii daraysey waxay shaqaalihii dayuuradda C-17 guddoonsadeen inay u duulaan sida ugu dhaqsaha badan.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Ciidanka Cirka oo sheegay inay baarayaan arrinta iyagoo xitaa tixraacaya muuqaallada lasoo dhigay baraha bulshada oo la arkayey dadka oo dhinac ordaya dayuuradda qaarkoodna ay xitaa halis ugu jiraan inay laqaan matoorrada xoogga badan ee dayuuradda ku xiran maadaama ay marayeen meelo aan loogu tala gelin in loosoo dhowaado.

 

Hadalsame Media