”Waxaan qabannay shabakad dhan oo taabacsan TPLF!” – Booliiska Gobolka Soomaalida

0

(Jigjiga) 17 Agoosto 2021 – Booliiska Gobolka Soomaalida ee haatan hoos taga Ethiopia ayaa maanta sheegay inay heleen ”shabakad ka kooban siyaasiyiin iyo canaasiir taabacsan kooxda TPLF,” xilli uu dagaal ka socda Gobolka Tigraay kusii faafayo dalka intiisa kale.

Sida ku cad war kasoo baxay Maamulka Gobolka, waxaa shakhsiyaadkan ka tirsan jabadda Tigreega ee TPLF, oo urur argagixiso ahaan ugu astaysan DF Itoobiya, laga soo qabtay meelo ay ku dhumaalaysanayeen, kaddib markii qish laga helay dadwaynaha.

Shakhsiyaadkan ayaa la rumaysan yahay inay xulufo dhow la ahaayeen MW hore ee Maamulka Gobolka Soomaalida, Cabdi Ileey, waxayna qorshaynayeen inay wiiqaan amaanka gobolka, sida ay Booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa sidoo kale raggan la xiriiriyey isku dhacyadii ugu dambeeyey ee ka dhex dhacay Soomaalida iyo Oromada.

Hadalsame Media