DAAWO: 2 arrimood oo lagala dhex bixi karo qaabka ay Daalibaanku u galeen Madaxtooyada Afghanstan

0

(Kabul) 15 Agoosto 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigtay caasimadda Kabul oo ahayd halkii ugu dambaysey, waxaana Madaxtooyada dalkaasi la wareegtey kooxdaasi iyadoo uu cararay MW Ashraf Ghani oo Afghanistan u dhaafay dhanka Tajikistan, waloow uusan isagu kashifin halka uu aadey.

Kooxda Dalibaan ayaa markiiba galay Qasriga Madaxtooyada dalkaasi oo ay si nabdoon kula wareegeen kaddib markii uu halkaa ka baxay MW hore oo ay wada xaajood la yeesheen kahor inta aanu cararin.

Haddaba, waloow uu waqtigu sheegi doono sida ay wax ku dhamaadaan dad badanina ay qabaan in Daalibaan ay haatan wax badan ka bisil yihiin kana macquulsan yihiin sidii ay ahaayeen qabsigii hore ee Kabul, misna laba arrimood ayaa laga dheehan karaa qaabka habqanka ah ee aan agaasinnayn ee ay u galeen Madaxtooyada dalkaasi.

1 – Waxaa muuqanaysa inay aad u fara badan yihiin dadka isku heerka ah ee u haliilaya xukunka, waayo maadaama ay Madaxtooyadu tahay halka dalka laga xukumayo, waxay ahayd in meeshaa la dejiyo dadka xukumaya nidaamka, balse in la wada galo oo qoryo lala dhex meeraysto waxay bixinaysaa sawir silloon.

2 – Waxaa kale oo laga qaadan karaa sawir ah inay meesha qabsadeen dad badan oo haatan ku wada hoos jira qolofka guud ee Daalibaan, balse noqon kara firqooyin kala geddisan, iyadoo la ogyahay in Daalibaanka laftoodu ay ka kala kooban yihiin lakabyo kala duwan aragti ahaan.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey iyo kahorba lasoo calaameeyey inay kala aragti duwan yihiin oo ay ku dhex jiraan xitaa qaar aan ogolayn in lala xaajoodo Maraykanka si uu uga baxo dalkaasi, iyadoo waxa meel ay Daalibaan joogto laga ogol yahay laga diido meel kale oo ay isla iyagu joogaan, sida uu soo sheegayo weriyaha Al Jazeera.

Wax kasta se waqtiga ayaa sheegi doona.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media