RW Norway oo ficil qura ku muujisay waxa ka khaldan siyaasiga Soomaalida!

0

(Hadalsame) 14 Agoosto 2021 – Marwo Earna Solberg oo ah Raysalwasaaraha Norway (Qofka ugu sarreeya talada dalka Norway), isla markaana ah hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Conservative Party, ayaa 26 bishii labaad (February) xafladeedii dhalashada ku dhigatay hudheel yar oo ku yaalla tuulada Geilo ee koonfurta Norway.

Waxay ahaayeen iyada, odaygeeda iyo kow iyo toban qof oo qoyskeeda iyo asxaabteeda ka mid ah. Nususaacihii ugu dambeeyay ee xaflada ayaa waxa u soo galay askar ka tirsan bilayska tuulada, waxaana loo sheeggay inay jebiyeen xayiradii Covidka, ee ahayd in aan dad ka badan 10 qof meel isugu iman karin, sidaa awgeed ay meesha ku kala dareeraan. Sidiibaanay xafladi ku soo gabagabowday.

Bil iyo xooga ka dib se bilayska Norway waxay ku ganaaxeen raysalwasaarihii dalka 20,000 lacagta Norway ah oo u dhiganta 2,350$. Marwo Solberg oo xishood dareemaysaana waxay ummaddii ay hoggaamiyaha u ahayd ka raalligelisay falkii sharcijebinta ahaa ee ay iyada iyo xubno ka tirsan qoyskeeda iyo asxaabteedu ku kaceen. Aad baan uga xumahay.

Waa hubaal inay arrintani ceeb ii soo jiiday , laakiin aad iyo aad baan uga xumahay, sababta oo ah waxay ahayd annigu inan ummadda tusaale u noqdo, oo aan xil gaar ah isa saaro, waxaanan idiin sheeggayaa in aanay mar dambe dhacayn, waanan bixinayaa ganaaxaas”.

Afhayeen bilayska u hadlayna wuxu sheeggay in odaygeeda iyo hotelkii ay xaflada ka dhacdayba xayiraada Covidka jebiyeen, laakiin raysalwasaaruhuun la ganaaxaayo, sababta oo ah iyadu waa masuul qaran oo ay tahay inay xil gaar ah iska saarto dhawrista sharciga.

Casharro waaweynbaa ku sugan dhacdadan. Ilbaxnimada iyo run ku noolaanshaha bulshooyinka horumaray. Inay dawladnimaduba tahay xeerarka la dhigto oo sidooda loo raaco. Madaxnimada iyo u xilqabkeeda. Qofka madaxda noqonaaya iyo qofnimadiisa, iyo hoggaamintaas quruxda iyo qiimiga garasheed leh.

Yaan ku sii daahine, tolow inaga iyo dadka caynkaas ahi miyaynaan duni ku wada noolayn?’. Reer galbeedku inay dunida koowaad la baxaan (First World), inagana dunida saddexaad (Third World) inoogu yeedhaan waa gar, waa gar, waa gartood.

May be an image of ‎1 person and ‎text that says '‎وولام Erna Solberg has been prime minister of Norway since 2013.‎'‎‎

Waxaa Qoray: Maxamed Shaafici Cali

Hadsalsame Media