Arag boqolleeyda tirakoobka dalalka dunida ugu sarreeya dhanka tallaalka Covid-19 (Halka ay Somalia ku jirto oo laga naxayo)

0

(Muqdisho) 14 Agoosto 2021 – Waxaa lasoo saaray tirakoobka dalalka dunidu ay haatan ka marayaan tallaalka cudurka faafa ee Covid-19, mase malayn kartid heerka ay Somalia uga jirto.

Sida ka muuqata tirakoobkan oo ay soo saartay Our World in Data oo xog ururinaha noocan ah samaysa, waxaa dalalka tallaalka iyo tirakoobkiisa ugu sarreeya ka mid ah Singapore, Qadar, Uruguay iyo Denmark oo 77% ilaa 75% haatan maraya dhanka tallaalka marka la eego dadyowga dalalkaa ku dhaqan.

Waxaa kale oo meelaha ugu sarreeya ku jira dalal ay ka mid yihiin Ireland, UK, France, Talyaaniga iwm, iyadoo la isku daray dadka halka kuuro qaatay oo midab saytuuni ah ama cagaar furan lagu calaamadeeyey iyo kuwa labadaba qaatay oo cagaar dugul ah laga dhigay.

Yeelkeede, dalalka ugu liita ama ugu hooseeya waxaa ka mid ah dalkeenna Somalia oo haatan la qiyaasayo inay 1% oo qur ihi tallaalan yihiin, waxaana sidoo kale safka ugu hooseeya ka buuxa dalal kale oo gobolka u badan iyo Afrika inteeda kale.

 

Hadalsame Media