Boqollaal kun oo kuuro oo tallaalka Covid-19 ah oo Muqdisho laga dejiyey + Sawirro

0

(Muqdisho) 13 Agoosto 2021 – Maraykanka ayaa Somalia ku wareejiyey 302,400 oo kuuro oo ah tallaalka cudurka Covid-19 ee ay samayso shirkadda Johnson & Johnson.

Waxaa horay Somalia deeq noocan ah oo qayb ka ah hindisaha caalamiga ah ee COVAX Somalia u geeysey QM oo halkaa gaysey boqollaal kun oo kuuro oo ah tallaalka AstaraZeneca.

COVAX waa barnaamij loogu tala galay inay dalalka saboolka ihi helaan tallaal ay siiyaan kuwa horumaray waxaana loosoo gaabiyaa ACT, waloow aan weli wax wayn dhankaa laga qaban.

Dowladaha saboolka ah ee ay Somalia ka mid tahay ayaan xitaa isku howlin inay soo iibsadaan xitaa 100,000 oo kuuro oo tallaal ah, si ay wax uun iskugu dayaan, iyadoo aan haatan wax tirakoob ah xitaa laga haynin inta isku tallaashay tallaalka deeqda ah ee Somalia la siiyey, kaasoo ay inta badan qaateen dadka madaxda ah iyo ciddii galaangal la leh.

Hadalsame Media